Dowladda Soomaaliya oo beenisay in ciidan Haramcad la geyn doono gobolka Sanaag

Wafdi sare oo uu hoggaaminayo Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya, Maxamuud Aadan Geesood ayaa maanta ku wajahan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Wasiirka ayaa sheegay in ay u socdaan deegaannada Gobolka Sanaag, si ay u ogaadan Nolsha shacabka halkaasi ku nool.

“Waxba kama jiraan in Ciidanka Haramcad la geyn doono gobolka Sanaag, shacabka waxaa ay xaq u leeyihiin in ay aayahooda ka tashadaan” ayuu yiri Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya, Maxamuud Aadan Geesood.

Hadalka Wasiirka ayaa ku soo aadaya xilli xiisad ay ka taagan tahay gobolka Sanaag, taasi oo dhaxeysa dowladda Federaalka iyo Maamulka Puntland.

Mustaqbal

MM News

Read Previous

Taliska ciidanka Booliiska oo amray in Kaamirooyin lagu xiro magaalada Dhuusamareeb

Read Next

Madaxweyne Xasan Shiikh oo u safray Dalka Masar.