Dowladda Soomaaliya oo Ardayda Dugsiyada Qur’aanka Kariimka siineysa Shahaado Dowladeed.

Calanka Soomaaliya

Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay taariikhda shaacisay in Shahaado dowladeed heli doonaan Ardayda ka qalin jabisa Dugsiyada Qur’aanka Kariimka, si lamid ah Waxbarashada maadiga ah.

War-saxaafadeed uu soo saarey Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa lagu xaqiijiyay in Dowladda Federaalka wado qorshe guud oo dib u habeyn loogu sameynayo goobaha lagu barto culuumta diiniga ah oo ay ugu horreyaan Dugsiyada Qur’aanka.

Sida ku cad dib-u-habayntan cusub, ardayda ka qalin-jabisa Dugsiyada Quraanka waxay markii ugu horreysay taariikhda heli doonaan shahaadooyin rasmi ah iyo aqoonsi dowladeed, iyadoo la raacayo manhaj ay dajineyso Wasaaradda Waxbarashada Xukumadda Federaala Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in Xukumadda hubin doonto diiwaan galinta Dugsiyada Qur’aanka, Macaahida iyo Howlwadeennada ka howlgala sida Macalimiinta.

Sidoo kale, Bayaanka ayaa lagu caddeeyay in tillaabadaan looga goleeyahay in Ardayda barta culuumta diiniga ay yeeshaan xuquuq lamid ah ardayda kale, isla markaasna la kor joogteyn doono Waxbarashadooda.

Tillaabada ay qaadeyso Dowladda Federaalka ayaa ku soo aadeysa xilli hore dayac uga muuqday goobaha ay ku yaalla Dugsiyada Qur’aanka Kariimka iyo xarruumaha kale ee lagu barto culuumta diiniga.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Soomaaliya oo Cambaareysay Hanjabaadaha Xuutiyiinta ee ka dhanka ah Sacuudiga

Read Next

Muxuu Wasiir Cali Xoosh ka yiri wararka sheegaya inuu iscasilayo?