Dowladda Shiinaha oo ka hor timid cashuuraha uu soo rogay Trump ayna qaadi doonto tallaabooyin ka dhan ah Mareykanka

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay 10 boqolkiiba “tacriifada aasaasiga ah ee ugu yar” dhammaan alaabyada la soo dejiyo Mareykanka.

Madaxweyne Trump ayaa cashuurta cusub ku soo rogay dalalka dunidda oo dhan oo ay ku jiraan Shiinaha oo lagu kordhiyay canshuur 34% , Hindiya 26%  iyo dalalka Midowga Yurub 20%.

Dhanka kale, cashuurta uu Trump uu soo rogay ayaa kicisay jawaab celin degdeg ah, iyada oo dowladda Shiinaha ay ka soo horjeesatay cashuurta uu Mareykanka soo saaray ayna sheegtay in ay qaadi doonaan tallaabooyin ka dhan ah Mareykanka, si loo ilaaliyo danaha Shiinaha.

Sidoo kale, madaxweynaha golaha Midowga Yurub, Ursula von der Leyen, ayaa sheegtay in Canshuuraha uu Mareykanka soo saaray ay dhabar jab xooggan ku yihiin dhaqaalaha adduunka ayna saameyn taban ku leh malaayiin adduunka ku nool.

Canshuurahaan ayaa dalalka ugu badan ee la kulmaya ayaa ah dalalka ku waqooyiga Ameerika iyo Aasiya.

Mustaqbal 

MM Staff

Read Previous

MW Xasan Sheekh iyo dhiggiisa Jabuuti oo ka wada hadlay dagaalka ka dhan ah AS

Read Next

Puntland & Jubbaland oo isku khilaafay ka qeyb galka gogosha Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku baaqay