MW Xasan Sheekh iyo dhiggiisa Jabuuti oo ka wada hadlay dagaalka ka dhan ah AS

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan la yeeshay dhiggiisa Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Labada masuul ayaa kulankooda uga wada hadlay arrimaha la xiriira xoojinta xiriirka iskaashiga istiraatiijiga ah ee ka dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Jabbuuti; iyada oo si qoto dheer looga wada hadlay sidii loo sii amba-qaadi lahaa iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha, ganacsiga iyo siyaasadda.

May be an image of 7 people and the Oval Office

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyey dowladda Jabuuti doorka horumarinta iyo taageerada joogtada ah ee Soomaaliya si gaar ah dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, halka Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle Dhankiisa  xusay in Jabuuti ay marwalba garabtaagan tahay dowladda Soomaaliya, isla markaana ay sii xoojin doonaan taageerada ay siiyaan Soomaaliya.

Kulanka labada Masuul ayaa imaanaya xilli Madaxweyne Xasan sheikh iyo wafdigiisa ay shalay gaareen dalka Jabuuti, isaga oo halkaas kulan kula yeeshay dhiggiisa dowladda Jabuuti.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Miyuu Ra’iisul Wasaare Xamse Laascaanood u tagayaa ka hortaga aqoonsiga Somaliland?

Read Next

Dowladda Shiinaha oo ka hor timid cashuuraha uu soo rogay Trump ayna qaadi doonto tallaabooyin ka dhan ah Mareykanka