Magaalada Johannesburg ee Dalka Koofur Afrika waxaa ka socda wadahadal u dhaxeeya Guddiga Ganacsatada iyo Dowladda Dalkaas si ay uga wada hadlaan dhibaatooyinka ay ka hor mari la’ yihiin sida laga soo xigtay ilo ku dhow kulankaas.
Ganacsatada ayaa doonaysa in ay Dowladda kala hadasho sidii loo xakamayn lahaa dhibaatooyinka ka jira dhinaca Korontada, Biyaha iyo waddooyinka si isu socodkoodu fududaado sida hadalka loo dhigay.
Lacag dhan $12 Bilyan oo doollar ayaa ku baxaysa mashaariicdaan haddii ay isku fahmaan Dowladda dhexe iyo Ganacsatada Koofur Afrika sida ay warisay Businees Insider, waxaa la qorsheynayaa in la dejiyo qorshooyin cusub.
Koofur Afrika ayaa horay u furtay albaabada Maalgashiga, Ganacsato Ajaanib ah iyo kuwo u dhashay Dalkaas ayaa ku tartamaya waxsoosaarka dhaqaalaha badan kasoo xaroonaya balse culayska haysta ayay doonayaan in ay xal u helaan.
Mustaqbal
