Dowladda Itoobiya oo ka hadashay xarigga loo geystay Saraakiishii ismaamulka Somalida

Dowladda Federaalka ah ee Itoobiya ayaa ka hadashay xarig shalay iyo doraadba loo geystay xubnihii ugu sarreeyay Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ee uu hoggaamin jiray Cabdi Maxamuud Cumar.

Taliyaha Booliska Dalka Itoobiya,Zeyinu Jemal, ayaa shir jaraa’id ka sheegay in hadda ay xiranyihiin lix xubnood oo ka mid ah kuwa ugu sareeyay maamulkii hore islamarkaana kuwo kale ay baaritaan ku wadaan.

Waxaa uu Taliye Zeyinu Jemal, sheegay in Booliska ay baaritaan ku wadaan madaxda dhallinyaro uu sameeyay Cbadi Maxamuud Cumar,kuwaas oo ay Booliska ku eedeynayaan in ay ka dambeeyeen rabshadihii ka dhacay Jigjiga.

Taliyuhu waxaa uu xusay in uu baaritaan ku socdo madaxda Ururka dhallinyarada ee la baxay Heego,kuwaas oo uu Cabdi Maxamuud Cumar abaabulay inta aysan rabshadaha billaaban.

Isha:FBC

Mustaqbal media

Read Previous

Violent tension between two clans emerged  in Beletweyn

Read Next

Police detain six additional officials from Ethiopian Somali regional state