MW Suuriya oo shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la gaari doonaan Israa’iil.
Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cali Yuusuf Cali ayaa sheegay in Madaxda dowlad goboleedyada loogu yeeri doono Hoggaamiyeyaal ka dib markii uu dhaqan galay Dastuurka dalka.
Wasiir Cali Xoosh ayaa si cad u sheegay in la soo afjaray isticmaalkii magaca “Madaxweyne” ee loo adeegsan jiray hoggaamiyeyaasha dowlad-goboleedyada, isagoo xusay in hadda wixii ka dambeeya loogu yeeri doono “Hoggaamiyeyaal”.
“Waa laga guurey Madaxweyne, Madaxda dowlad-goboleedyada waa Hoggaamiye,” ayuu yiri Wasiir Xoosh.
Isagoo sii hadlayay, wuxuu carrabka ku adkeeyay in isbeddelkan uu khuseeyo dhammaan madaxda maamullada, xitaa kuwa uu ku tilmaamay inay ka fogaadeen geeddi-socodka wada-tashiyada qaranka ee hadda socda.
“Xitaa kuwa maqan ee Jid iyo Jahadiidka ku jira, dhammaantood waa Hoggaamiye,” ayuu raaciyay wasiirka, isagoo u muuqday inuu u lajeedo madaxda qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada oo xilligan khilaaf xooggan uu kala dhexeeyo dowladda federaalka, gaar ahaan Puntland iyo Jubbaland.
Tillaabadaan ayaa looga dan leeyahay in looga hortago magaca Madaxweyne oo loogu yeero Hoggaamiyeyaasha dowlad goboleedyada.
Mustaqbal
