Dhageyso:- Rag loo xiray Gabar 9-sano jir ah oo lagu kufsaday Magaalada Buula Burde.

Ciidamada ammaanka ee ka howlgala Magaalada Buula-Burde ee Gobolka Hiiraan waxa ay sameeyeen howlgal ay kusoo qabteen dad lagu tuhmayo gabar lagu kufsaday Magaaladaasi.

Dhacdadaan oo dhacday 24-kii Bishaan oo ku beegneed Jimcihii waxaa lagu kufsaday Gabar 9-sano jir ah.

Ehelka Gabadha iyo Maamulka Magaalada Buula-burde ayaa kulan ay wada yeesheen waxa ay kaga wada hadleen sidii Cadaaladda loo horgeyn lahaa dadkii ka dambeeyay Kufsiga oo illaa iminka la heyn tiradooda.

Maamulka Buula-burde ayaa Odoyaasha dhaqanka ka dalbaday in ay is dajiyaan oo ay la shaqeeyaan Hay’adaha Baarista ee gacanta ku haya kiiskaan, isaga oo sheegay in ay la dhibtoonayaan qoyska Gabadhooda la kufsaday.

Gudoomiyaha Degmada Buula-Burde CabdCasiis Daahir Duurow oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in kiiskaan dad u xireen, kaliya ay sugayaan Natiijada Hay’adaha dambi baarista.

Gudoomiye Duurow ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in la helo dambiilayaasha kufsiga u geystay Gabadha 9-sano jirka ah, isaga oo sheegay in kufsiga haweenka loogu geysanayo oo meelo badan ka dhacay sanadkaan.

Waxa uu ku tilmaamay ol-ole dadban oo u baahan in si dhab ah baaris wada jir ah ugu sameeyaan Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada.

Halkaan ka dhageyso Codka Gudoomiyaha Degmada Buule-Burde Cabdicasiis Daahir.

Magaalooyin katirsan Gobolada Mudug, Nugaal, Gedo iyo Hiiraan waxaa sanadkaan 2019-ka ka dhacay kiisas kufsi ah, waxaana la xukumay dadkii ka dambeeyay kiiska Caaisho Ilyaas Aadan oo kufsi iyo dil loogu geystay Gaalkacyo, sidoo kale Magaalada Garbahaarey waxaa lagu toogtay nin kufsi iyo dil u geystay Gabar.

Web master

Read Previous

Duqa cusub ee Baladweyne oo qabsatay 100 maalmood oo waxqabad ah ama Xilka baneyn doonto.

Read Next

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo la kulmay Mas’uuliyiinta Ammaanka.