Sida caadiga ah marka lagu jiro Imtixaanka waa la is caawiyaa, ardaygii aan sida yeelinna waxa lo yaqaan doqon ama xaasid.
Nin Carab ah ayaa waxbarasho u tegey Mareykanka, waxa uu saaxiibb dhow la ahaa arday Mareykan ah oo ay fasalka iyo gaarigaba is dhinac fariisan jireen, waxa la gaaray waqtigii Imtixaanka, wuxu yiri: “Waan is dhinac fadhinay, halkaas imtixaanka lama illaaliyo, waxa aan arkay su’aal uu saaxiibkey ka booday oo ku adkaatay, waxan ku iri “Ma u baahantahay kaalmo”? wuxu yiri “maya! markii Imtixankii dhammaaday ayaa aniga oo la yaabban mar kale ku iri ,”Su’aashii ma xallisay”? Wuxu yiri maya, Waxan ku canaantay oo soo kuma dhihin aan ku caawiyo”? Wuxu iigu jawaabay, “Waxani waa qiimeyn lagu sameynaayo in aan wax fahmay iyo in kale, marka ma doonayo in an marin habaabiyo qiimeynta” cajiib!.
Wuxuu yiri Carabkii maalmo ka dib waxa aan arkay Saaxiibkey oo iga fogaaday, xiriirkeeniina hoos u dhigay, markaan weydiiyey sababtana, wuxu igu yiri ” Hooyadey ayan la wadaagay arrintii imtixaanka, waxayna igu tiri “ka fogow Saaxiibkaas, waayo waa khaa’in beenlow ah!
Isha: MBC
Halkan kadaawo sheekada
https://www.facebook.com/MinAlsefer/videos/550296532172239/
Bal aan isgarab-dhigno caqliyaddaas iyo tan Ardadeenna! arrintaas natiijadeedu waxa ay ka muuqataa nolosha iyo horumarka cilmiga ee dadka sidaa u barbaariya ubadkooda.
Soomaaliyeynta: Dr Ayuub Xasan Cilmi
