DG Puntland oo Ciidan Dheeraad ah ku dartay howlgalka ka dhanka ah Daacish

Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa ciidamo dheeraad ah geysay Dhulka Buuraleyda ah ee Gobolka Bari si ay u xoojiyaan ciidanka ku jira Dagaalka ka dhanka ah Daacish sida ay ku warrameen saraakiil katirsan Laamaha ammaanka.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa amar ku bixiyay in ciidan isku dhaf ah oo ka kala tirsan Daraawiishta iyo kuwa Badda ee PMPF loo diray Gobolka Bari si ay qayb uga noqdaan howlgallada ka socda Dhulkaas buuraleyda ah.

Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa sagootiyay ciidamo katirsan kuwa Daraawiishta Dowlad-Goboleedkaas, waxa uu kula dardaarmay in ay kordhiyaan howlgallada loo diray.

Puntland ayaa sheegtay in ay Daacish iyo ‘AS’ ka qabsatay saldhigyo ay joogeen, ciidamada fuliyay howlgalkaas ayaa weerarro rogaal celin ah kala kulmay xubnihii ay ka qabsadeen deegaannada ay haatan joogaan.

La soco wixii kasoo kordha

Mustaqbal

MM Editor

Read Previous

Xildhibaan Ayuub Ismaaciil “Xikmad iyo Xeelad Diblamaasiyadeed ayaan Xalka ku Gaadhnay”

Read Next

Hay’adda SoDMA “Waxa aan garab taaganahay Dadkii uu saameeyay Dabka California”