Baarlamaanka Waqooyi Bari oo ansixiyay qaraar ka dhan ah Maamulka Waqooyi Galbeed
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa nasiib-darro weyn ku tilmaamtay tillaabada ay dowladda Mareykanka dalkeeda uga soo celisay garsooraha caalamiga ah ee Soomaaliyeed, Cumar Cabdulqaadir Cartan, xilli uu halkaas u tegay dhexdhexaadinta qaar kamid ah Kulamada Koobka Adduunka.
War-saxaafadeed rasmi ah oo ka soo baxay Safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga ayaa lagu xaqiijiyay in garsoore Cartan loo diaday inuu galo dalka Mareykanka, halkaas oo uu qorshuhu ahaa inuu ka qayb-qaato garsooridda ciyaaraha Koobka Adduunka.
Bayaanka Safaaradda ayaa loogu mahadceliyay Jamhuuriyadda iyo Shacabka Turkiga oo muujiyay isgarab-taag walaaltinimo, una fududeeyay garsooraha inuu soo galo dalkooda ka dib markii uu Mareykanku soo ceryay.
“Safaaraddu waxay si weyn u bogaadinaysaawada-shaqeynta iyo taageerada ay muujiyeen mas’uuliyiinta Türkiye intii lagu guda jiray xaaladdan nasiib-darrada ah.”ayaa lagu yiri Bayaanka ka soo baxay Safaaradda Turkiga.
Garsoore Cumar Cartan oo noqday Garsooraha ugu wanaagsan Qaaradda Afrika sannadkii hore ee 2025 ayaa la filayaa inuu maalinta berri dib ugu soo laabto magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay soo dhoweyn ugu sameyn doonaan Mas’uuliyiinta Dowladda iyo Boqolaal shacabka Soomaaliyeed ah.
Mustaqbal
