MW Suuriya oo shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la gaari doonaan Israa’iil.
Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta tagay Magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag, waxa uu la kulmay Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaam Suldaan Maxamuud Cali Shire oo kamid ah hoggaanka Dhaqanka Magaaladaas.
Deni waxaa safarkiisa ku wehliya Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Dowlad-Goboleedka Puntland, Maxamed Baari Shire, waxaa sidoo kale qayb ka ah xubno katirsan Goleyaasha Maamulkaas iyo saraakiisha ciidamada.
Maalin kahor waxaa Magaalada Badhan ka dhacay dibadbax rabshado watay oo ay dhigeen dad kasoo horjeeda safarkiisa, waxaa aad loo adkeeyay amniga iyada oo ciidamo badan la dhigay goobo kala duwan oo Magaaladaas ah.
Maamulka Waqooyi Bari ayaa Dowlad-Goboleedka Puntland ku eedeeyay in uu awood u adeegsanayo Shacabka Magaalada Badhan, waxa uu uga digay in la qasbo Dadkaas lagana shaqeeyo kala qaybinta Soomaalida sida hadalka loo dhigay.
Siciid Deni ayaa inta uu ku sugan Magaalada Badhan waxa uu kulamo la qaadan doonnaa Duubabka Dhaqanka, mas’uuliyiinta Magaaladaas & Siyaasiyiin halkaasi ku sugan, waxaana wararka kale ay sheegayaan in uu tababar usoo xirayo ciidamo la tababaray.
Mustaqbal
