Madaxweyne Xasan Sheekh oo gogol wada hadal u fidiyay dhammaan Siyaasiyiinta dalka
Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta furaya kalfadhiga 59aad ee Golaha Wakiillada Maamulkaas kaddib markii uu fasax galay Golahaas balse dib u billaabaya howlihii shaqo ee loo igmaday.
Siciid Deni ayaa lagu wadaa in uu Khudbadda Furitaanka Kalfadhiga uu u jeediyo Golaha Wakiillada Maamulka Puntland isaga oo Warbixinno ka siinaya xaaladda Deegaannada Dowlad-Goboleedkaas iyo waxyaabaha soo kordhay muddadii uu fasaxa ku jiray.
Deni oo inta badan Fasax bannaanka ah ku maqnaa maalmihii lasoo dhaafay waxa uu qaaday tallaabooyin siyaasadeed oo uu sheegay in uu ku xoojinayo taageerrada uu u baahan yahay Maamulkiisa sida ay ku warrameen ilo kala duwan.
Qaar kamid ah Xildhibaannada Golaha Wakiillada Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa horay uga carooday kalfadhiyo uu furay Madaxweyne Siciid Deni oo ay doonayeen in ay Su’aalo ka weydiiyaan balse uu ka diidan in uu fursad siiyo.
Guddoonka Golaha Wakiillada Puntland ayaa Xubnaha Golahaas u sheegay in keliya ay dhagaysan doonnaan Khudbadda Guddoonkooda oo ah mid kooban iyo soo dhaweynta Madaxweynaha iyo tan Deni oo xog gudbin ah.
La soco wixii kasoo kordha
Mustaqbal
