Barack Obama oo Dhaliilay Duullaanka Trump ee Iiraan

Madaxweynihii hore ee Maraykanka, Barack Obama oo la hadlay dadweyne ka qaybgalaya ololaha Doorashada dhexe ee Dalkiisa ayaa dhaliilay Duullaanka Donald Trump ee Iiraan isaga oo sheegay in laga maarmi karay oo dedaallo diblumaasiyadeed la adeegsan karay.

Waxa uu carrabka ku dhuftay in muddadii uu ahaa Madaxweynaha Maraykanka uu xakameeyay Hubka Nukliyeerka Iiraan isaga oo aan dhiig daadin, waxaana uu ku faanay in uu maray hannaan Diblumaasi oo wax weliba si nabdoon kusoo dhammaysay.

Barack Obama ayaa meesha ka saaray in ay xiligiisa jirtay cabsi laga qabo dhinaca Iiraan balse hadda suuragal ah in waqti weliba ay faraha ka qaaddo hubkaas halista badan iyada oo qiil ka dhiganaysa is difaacis iyo kahor tagga Duullaan ka dhan ah.

“Markii aan Xilka hayay Iiraan ma haysan Nukliyeer mana jirin cabsi xooggan waayo waxaa hirgelay heshiis lagu xakamaynayay Barnaamijkeeda Nukliyeerka, heshiiskaas ma ahayn gantaal la rido ee waxa uu ahaa mid diblumaasiyad” Sidaasi waxaa yiri Madaxweynihii hore ee Maryakanka, Barack Obama.

Donald Trump ayaa duullaan afka ah iyo mid diblumaasi ku qaaday xubnaha Dimuqraadiga isaga oo iska caabbin kala kulmay xubnaha Xisbigaas si ay u difaacaan qadiyadda ay ku doonayaan in ay ku helaan awoodda Dadka codaynaya.

Barack Obama & Joe Biden oo kawada tirsan Dimuqraadiga ayaa xoogga saaray sidii ay u dhaliili lahaayeen siyaasadda Madaxweynaha hadda xilka haya ee Donald Trump oo katirsan Jamhuuriga iyada oo ujeedka  dhaliiluhu yihiin sidii dadka loo kala xod-xodan lahaa.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Deni oo maanta furaya Kalfadhiga 59aad ee Golaha Wakiillada Puntland

Read Next

Iiraan “Marinka Hormuz ma dhacayso in uu dib ugu soo noqdo sidii uu ahaa dagaalka kahor”