Deeq Shiinaha ka timid oo la gaarsiiyay Buur Hakaba

Deeq ka timid Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha oo horay loogu wareejiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta la geeyay Degmada Buur hakaba ee Gobolka Baay si loogu qaybo qoysas caawinaad u baahan.

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed, Cabdinasir Cabdi Caruush ayaa u mahadceliyay Dowladda Federaalka, Shiinaha iyo cid weliba oo gacan ka gaysanaysa caawinta Shacabka Maamulkaas.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay gacanta ku haysaa gargaar ka kala yimid Dalal kala duwan kuwaas oo loogu talagalay in lagu caawiyo qoysaska saamaynta taban ay ku reebeen Abaaraaha, colaadaha & xaaladaha kale ee ka dhashay Isbaddelka Cimillada.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Xildhibaan katirsanaa Baarlamaanka DG Puntland oo Mindi lagu dilay

Read Next

Croatia oo dib u celisay Safiirka cusub ee Israa’iil ay u magacawday Dalkaas