Maamulka Puntland oo xaqiijiyay in ay la wareegeen Xeradii Ciidanka PSF ee Boosaaso
Madaxweynaha Croatia, Zoran Milanovic ayaa dib u celiyay Safiirka cusub Israa’iil ee dalkiisa kaddib markii uu sheegay in Maamulka Netanyahu uu caadaystay xasuuq uu ka gaysnayo Bariga Dhexe gaar ahaan Dhulka Falastiin si gaar ah Gaza.
Waxa uu intaas ku daray in Dadkiisu diidan yahay in uu soo dhaweeyo maamul bannaystay dhiigga Bani aadamka isla markaana jabiyay xeerarka caalamiga ah ee lagu kala xakamaynayo Dalalka ku jira axdiga Qaramada Midoobay sida uu hadalka u dhigay.
Croatia ayaa kamid ah Dalalka dhaca Koofur Bari Qaaradda Yurub, Dalkaan waxa uu kamid yahay Waddamo dhowr jeer cambaareeyay tallaabooyinka maamulka Benjamin Netanyahu uu ku xasuuqay Dadka Falastiin kuna boobay dhulkooda.
Liiska Dalalkaan waxaa Yurub ee diidan Israa’iil wixii ka dambeeyay duullaanka ay ku qaadday Gaza iyada oo halkaas ku dishay Dad gaaraya in ka badan 72,000 oo qof halka malaayiin kale ay kahor istaagtay gargaarka waxaa kamid ah
Spain, Ireland, Norway, Belgium, Slovenia, Italy, Iceland iyo kuwo kale, waxa ay dhammaantood cambaarayn iyo cadaadis isugu dareen Xukuumadda Benjamin Netanyahu oo weli kusii hanjabaysa in ay dhiig horleh ku daadinayso Bariga Dhexe.
Mustaqbal
