Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya iyo Taliyaha AFRICOM oo Kismaayo ku wajahan.

Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ah ee Dowlad Goboleedka Jubbaland waxa ay sheegayaan in Magaaladaas ay ku wajahan yihiin Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto iyo Taliyaha guud ee Taliska Ciidamada Maraykanka ee Afrika ee loosoo gaabiyo AFRICOM Ninka Stephen Townsend.

Ammaanka Magaalada Kismayao ayaa sare loo qaaday, waxaana la xiray inta u dhaxeysa Garoonka Diyaaradaha iyo Madaxtooyada, waxaana ku sugan Ciidamada Dowlad Goboleedka Jubbaland iyo kuwa Kenya.

Warar Mustaqbal ay ka heshay Kismaayo ayaa intaa raacinaya in Ciidamo Mareykan ah ay ku sugan yihiin Garoonka Diyaaradaha Kismaayo si ay u xaqiijiyaan ammaanka Taliyaha iyo Danjiraha.

Madaxtooyada Jubbaland waxa ay sheegtay in Xubnaha Mareykanka ay la kulmayaan Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland oo Isniintii Todobaad dib ugu laabtay Xarunta Gobolka Jubada Hoose.

Si faah-faahsan looma hayo ujeedka socdaalka Wafdiga Danjiraha Mareykanka ee Arrimaha Soomaaliya iyo Taliyaha guud ee Howlgalka Mareykanka Afrika ee loosoo gaabiyo AFRICOM.

Warar Mustaqbal ay ka heshay saraakiil katirsan Jubbaland waxa ay sheegayaan in kulankaan uu daba-socda fadhigii Axmed Madoobe iyo Danjire Yamamoto ee ka dhacay ka dhacay Magaalada Nairobi ee caasimadda Dalka Kenya.

Madaxweyne Axmed Madoobe waxa uu Mareykanka ka dalbaday in si toos ah ay kaalmo u siiyaan Ciidamada Dowlad Goboleedka Jubbaland, balse AFRICOM ayaa sheegay in ay howlgala Jubbaland ay u baahan yihiin ay siiyaan Ciidamada Danab, sidaas awgeed iyaga ay adeegsadaan. Sida aan kasoo xiganay ilo ku sugan Kismaayo.

MM Editor

Read Previous

Maxkamad ku taalla Balanbale oo go’aan ka gaartay Shuruudaha la hordhigo Ragga Guurdoonka ah.

Read Next

Taliye Cusub oo la wareegay Ciidanka Kenya ee ku sugan Soomaaliya.