Dagaaladii Carabta & Israa’iil iyo yaan lagaaga hormarinta maanta!

Dowladaha Carabta ayaa maanta u kala ordaya in ay xiriir wanaagsan la yeeshaan maamulka Israel ama Yuhuuda taas oo uu gadaal ka riixayo Madaxweynaha Maraykanka Donald J Trump, isaga oo ku guulaystay in uu heshiis kala dhex dhigo Dowladda Imaaraadka Carabta iyo maamulka Israel iyo Baxrayn iyo Israel taas oo ku dhacday mudo 30 maalmood gudehood ah.

Dowladda Israel gaar Ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu ayaa dhawaan ku dhawaaqay in uu xiriir qarsoodi ah ula socdo dowladdo badan oo carbeed dhawaana la soo bandhigayo sida uu hadalka u dhigay, heshiis ayaa ka dhigan in lagu dulshaqaynayo Xeerkii saddexda maya “three nos” ee Jaamacadda Carabta ku heshiiyeen 1967, ka dib kulan ka dhacay  Khartuum caasimada Suudaan.

Xeerkaas ayaa dhigaayay in aan heshiis nabadeed lalagalin Israa’iil, wada hadallo lala galin Israel, aan la aqoonsan Israa’iil, iyo in la raadiyo xuquuqda dadka reer Falastiiniyiinta ee qarankooda.

Hadaba maxaad ka ogtahay isku dhacyadii militari ee dhexmaray Carabta iyo Israel, gaar ahaan 1948–49, 1956, 1967, 1973, 1982, iyo 2006?

Bishii Nofeembar 1947 Qaramada Midoobay (UN) waxa ay u codaysay in loo qaybiyo waajibaadkii Ingiriiska ee Falastiin oo loo kala qaybiyo dawlad Yuhuud ah iyo dawlad carbeed sida ku xusan Qaraarkii Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 181. Isku dhacyo ayaa isla markiiba ka dhex qarxay Yuhuudda iyo Carabtii Falastiin. Markii ay ciidamada Ingiriiska u diyaar garoobeen in ay ka baxaan Falastiin, khilaafku waxa uu siigaaray in uu cirka isku sii shareero, iyadoo ciidammada Yuhuudda iyo kuwa Carabtaba ay sameeyeen dagaallo xooggan. Dhacdooyinka ugu caansan waxaa ka mid ahaa weerarkii lagu qaaday tuulada Carab ee Dayr Yāsīn bishii Abriil 9, 1948. Warkaas oo lagu tilmaamay xasuuq bahalnimo oo ay halkaas ka geysteen Irgun Zvai Leumi iyo xoogagga Sang Gang ayaa aad u faafay waxayna dhiirrigelisay argagax iyo aargoosi labadaba. Maalmo ka dib, ciidamada Carabtu waxa ay weerareen kolonyo Yuhuud ah oo ku sii jeeday Isbitaalka Hadassah, halkaas oo ay ku dileen 78.

Ciidanka Ingiriiska ‘May 15, 1948, waxa ay ka bexeen dhulka Falastiin, Israa’iil waxa ay ku dhawaaqday madax-bannaanideed. Maalintii xigtay, xoogag carbeed oo ka kala yimid Masar, Jordan, Ciraaq, Suuriya iyo Lubnaan waxa ay qabsadeen aagagga koonfurta iyo bariga Falastiin si aan loo qaybinin Yuhuudda qaybtii Qaramada Midoobay ee Falastiin ka dibna waxa ay qabsadeen bariga Qudus, oo ay ku jiraan xaafadda yar ee Yuhuudda. ee Magaalada Qadiimiga ah.

Ujeedada duullaanka ayaa lagu sheegay in lagu soo celiyo sharciga iyo kala dambeynta iyadoo la tixraacayo ka bixitaankii Ingiriiska, dhacdooyin ay ka mid yihiin kii xasuuqii Dayr Yāsīn, iyo dhibaatada qaxootiga ee ku soo korortay dalalka Carabta ee deriska ah.

Dhanka kale, Israa’iiliyiinta, waxa ay ku guuleysteen gacan ku haynta waddada weyn ee aada magaalada Qudus iyada oo loo sii maro Buuraha Yehuda (“Hills of Judeea”) waxayna si guul leh u joojiyeen weeraradii Carabta ee soo noqnoqday. Horraantii 1949-kii Israa’iiliyiintu waxa ay ku guuleysteen in ay qabsadaan dhammaan Negev illaa xuduudkii hore ee Masar iyo Falastiin, marka laga reebo Marinka Gaza.Gaza Strip

Intii u dhaxeysay Febraayo iyo Julaay 1949, natiijooyinka heshiisyo hub-ka-kala gurasho ah oo u dhexeeyay Israa’iil iyo dowladaha Carabta, ayaa in xuduud ku meel gaar ah lakala dhex dhigo Israa’iil iyo deriskeeda. Israa’iil, dagaalka waxa ay u taqaanaa Dagaalkii Xorriyadda. Wadamada carabta, waxaa looga yaqaanay “Nakbah” (“Musiibo”) sababtoo ah qaxooti aad u tiro badan iyo barakacayaal dagaalka ka dhashay ayaa wadamadaasi qaabileen.

 1956: Dhibaatada kanaalka Suez

Xiisadaha ayaa mar kale cirka isku shareeray markii ay sare u kacday awooda Madaxweynahii Masar Gamal Abdel Nasser, oo ah nin wadaniyiin ah oo aad u jecel Pan-Arab. Naasir waxa uu qaatay mowqif cadowtinimo ah oo ka dhan ah Israa’iil. 1956 Nasser ayaa  qabsaday Kanaalka Suez, marin biyood muhiim u ah isku xira Yurub iyo Aasiya.

Faransiiska iyo Ingiriiska waxa ay uga jawaabeen in ay heshiis la galaan Israel — oo maraakiibteeda laga horjoogsaday in ay adeegsadaan kanaalka oo dekedda Elat ee koonfurta ay ka xirtay Masar — halkaas oo Israa’iil ay ku weerari doonto Masar; Faransiiska iyo Ingiriiska ayaa markaa soo faragelin doona, si muuqata oo ah nabad-doonimo, waxayna la wareegi doonaan kanaalka.

Bishii Oktoobar 1956 Israa’iil waxa ay ku duushay Jasiiradda Siinay ee Masar. Shan maalmood gudahood ayay ciidanka Israa’iil ku qabsadeen Gaza, Rafaḥ, iyo Al-ʿArīsh — iyagoo kaxaystay kumaan kun oo maxaabiis ah — waxayna qabsadeen inta badan jasiirad ku taala dhanka bari kanaalka Suweys. Israa’iiliyiintu waxa ay markaas ku jireen boos ay ku furaan isgaarsiinta badda iyaga oo maraya Gacanka Aqaba. Bishii Diseembar, ka dib faragelintii wadajirka ahayd ee Anglo-Faransiis, Ciidan Degdeg ah oo UN ah ayaa ku sugnaa aagga, ciidammada Israa’iilna waxa ay dib uga baxeen bishii Maarso 1957. In kasta oo ciidammada Masar lagaga adkaaday dhinac kasta, Xiisadda Suez, sida mararka qaarkood loo yaqaan, waxa ay ahayd carabtu u arkeen guul Masaari ah. Masar waxa ay ka baxday go’doominta Elat. Ciidan kayd ah oo UN ah ayaa la dhigay gacanka Siinay.

1967: Dagaalkii Lix-maalmood.

Xoogagga Carabta iyo Israa’iil ayaa markii saddexaad isku dhacay Juun 5 – 10, 1967, dagaalkaas oo loogu magac daray Dagaalkii Lixda Maalmood (ama Dagaalkii Juun). Horraantii 1967-kii Suuriya waxa ay xoojisay duqeymaha ay ka geysaneyso tuulooyinka Israel iyadoo laga soo saaray fariisimaha buuraha Golan. Markii Ciidanka Cirka ee Israa’iil ay soo rideen lix diyaaradood oo ah nooca loo yaqaan MiG-ta Siiriya si aargudasho ah, Gamal Abdel Nasser wuxuu abaabulay ciidamadiisa meel u dhow xadka Siinay, isagoo eryey ciidankii UN-ka ee halkaas ku sugnaa, wuxuuna mar labaad damcay in uu xayiro Elat. Bishii May 1967 Masar waxay heshiis wada jir ah oo difaaca ah la gashay Jordan.Six-Day War in Gaza

Israa’iil ayaa deg deg ah uga jawaabtay wadamada Carabta iyadoo qaaday duulaan kadis ah, oo ay ku burburisay ciidamadii cirka Masar ee dhulka ku sugnaa. Guushii Israa’iil ay ka gaartay dhulka ayaa iyaduna ahayd mid aad u fara badan. Cutubyo ka tirsan Israa’iil ayaa dib uga celiyey ciidammada Suuriya buuraha Golan, waxay kala wareegeen marinka Qaza iyo gacanka Sinai ee Masar, waxayna ciidammada Urdun ka eryeen Daanta Galbeed. Muhiimad ahaan, Israa’iiliyiinta waxaa looga tegey keligiis gacan ku haynta Qudus.

1973: Dagaalkii Yom Kippur

Dagaalkii goosgooska ahaa ee xigay Dagaalkii Lixda Maalmood ayaa mar kale isu rogay dagaal ballaaran 1973-dii Oktoobar 6, maalintii Yuhuudda ee barakaysnayd ee Yom Kippur Israa’iil waxaa lagu weeraray Masar oo maraysay marinka Suweys iyo Syria oo ah Golan Heights. Ciidamada Carabtu waxa ay muujiyeen dagaal iyo karti dagaal oo ka weyn dagaalladii hore, waxaana ciidammada Israa’iil soo gaaray khasaare culus. Ciidanka Israel, si kastaba ha noqotee, waxay dib u rogeen khasaarihii hore waxayna ku riixeen dhulkooda ciidankii Siiriya waxayna hareereeyeen Ciidankii Saddexaad ee Masar iyagoo ka gudbay Kanaalka Suweys oo ay xoog ku haysteen daanta galbeed.

Israel iyo Masar waxa ay kala saxiixdeen heshiis xabbad-joojin bishii Nofeembar iyo heshiisyo nabadeed Janaayo 18, 1974. Heshiisyada ayaa dhigayay in Israa’iil ay ka baxdo Sinai galbeed ee Mitla iyo Gidi, halka Masar ay ahayd in ay yareyso tirada ciidamadeeda bariga. Ciidan nabad ilaalin ah oo UN ah ayaa la dhex dhigay labada ciidan. Heshiiskan waxaa lagu kaabayay mid kale, oo la saxiixay Sebtember 4, 1975. Bishii Maajo 31, 1974, Israel iyo Suuriya waxa ay kala saxiixdeen heshiis xabbad-joojin ah oo sidoo kale ka hadlayey kala-qaadashada ciidamadooda si aaggaasi looga dhigo mid xasiloon lana geeyo ciidanka Qaramada Midoobay iyo is-weydaarsiga maxaabiista dagaalka.Yom Kippur War

26-kii Maarso, 1979, Israa’iil iyo Masar waxa ay kala saxiixdeen heshiis nabadeed oo si rasmi ah u soo afjaraya xaaladdii dagaal ee ka dhex jirtay labada dal muddo 30 sano ah. Marka la eego shuruudaha heshiiska Camp David, sida loogu yeedhay heshiiska, Israel waxa ay ku celisay dhammaan gacanka Sinay Masar, iyo taa badalkeeda, Masar waxa ay aqoonsatay xuquuqda Israel la wadaagto dalkaas. Labada dal ayaa markii dambe sameeyay xiriir diblomaasiyadeed oo caadi ah.

2006: Dagaalkii Labaad ee Lubnaan

Bishii Luulyo 2006 Ururka Xisbullah ayaa bilaabay hawlgal ka dhan ah Israa’iil isaga oo isku dayaya in uu ku cadaadiyo Yuhuuda in ay sii deyso maxaabiista Lubnaan, iyadoo dishay tiro ka mid ah askarta Israa’iil intii hawshaasi socotay iyadoo laba ka mid ah ciidanka Israeo la soo qabtay. Israel ayaa duulaan ku qaaday koonfurta Lubnaan si ay u soo ceshato askarta la qabtay. Dagaalku wuxuu socday 34 maalmood laakiin waxaa ku dhintay in ka badan 1,000 qof halka ku dhowaad hal milyan oo kalena ay ku barakaceen. Dhowr hoggaamiyeyaal carbeed ayaa ku dhaleeceeyay Xisbullah in ay hurineyso khilaafka. Si kastaba ha noqotee, awoodda Xisbullah ee ah in ay la dagaallanto Ciidamada Israel ayaa lagu amaanay.bombing of Beirut, July 2006

W/Q:-Mowlid Mo’alim Adem

Ilaha xogtayda waxaa ka mid: Britannica.com, Military.wikia.org  iyo sixdaywar.org

Afeef: Maqaalkan iyo maqaala kaada kale ee kusoo baxa bogga Aragtida dadweynuhu waxa ay gaar u yihiin Qoraagmana turjumayaan Aragtida Mustaqbal.

Aragtidaada noogu soo dir: aragtida@mustaqbalradio.net

MM Staff

Read Previous

Muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku dhibaataysan xero qaxooti oo kutaala Giriiga!

Read Next

Dad loo qabtay kufsi iyo dil Muqdisho loo gaystay gabar sanadkaan gashay Imtixaankii Dowladda!