Maxaa kasoo kordhay Dagaalka Gobolka Galgaduud?

Ciidamada Dowladda DFS gaar ahaan qaybta 21-aad & Al-Shabaab ayaa maanta ku dagaalamay deegaanka Cada-xaar oo dhanka Waqooyiga uga beegan Deegaanka Bulacle ee Gobolka Galgaduud.

Image may contain: outdoor

Dagaalka ayaa sababay Dhimasho & Dhaawac soo kala gaaray Ciidamada Dowladda Federaalka iyo Al-Shabaab, waxaana la maqlayay qoryaha waaweyn ee lagu xiro Gawaarida, kuwa Garbaha laga rido & hubka fud-fudud.

Image may contain: 1 person, standing, outdoor and nature

Saraakiil katirsan Qaybta 21-aad Ciidamada Xoogga Dalka ayaa sheegay in ay dileen xubno katirsan Al-Shabaab, kadib markii ay ku baxeen Cabasho kasoo gaartay deegaanka Cada-xaar oo iska hor imaadka xooggiisa uu ka dhacay.

Image may contain: 1 person, sky, outdoor and nature

Wasiirka Warfaafinta DG Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa sheegay in howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab uu kasii socon doono Gobolka Galgaduud, isaga oo ku hanjabay in ka qabsan doonaan meelaha ay joogaan.

Image may contain: one or more people, people standing, sky, outdoor and nature

Deegaannada Jihada Bari ka xiga Magaalada Dhuusamareeb waxaa ku xooggan Al-Shabaab, halka saraakiisha qaybta 21-aad ee Militariga Soomaaliya ay sheegeen in ay duulaan ku yihiin deegaannadaas.

La soco wixii warar kasoo kordha.

Mustaqbal.

MM Editor

Read Previous

Antonio Guterres oo ku baaqay in xal laga gaaro xiisadda ka taagan Itoobiya!

Read Next

Sharaxaad: Maxaa ka socda gobolka Tigreega ee Itoobiya?