Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Daraawiishta DG Jubbaland & AS oo ka socda Jubada Hoose

Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Daraawiishta Dowlad-Goboleedka Jubbaland iyo ‘AS’ ayaa ka socda duleedka Degmada Jamaame ee Koofurta Gobolka Jubada Hoose, dagaalkaan waxa uu yimid kaddib markii Ciidamada maamulkaas uu duullaan xooggan qaaday.

Khasaara xooggan ayaa labada dhinac soo kala gaaray inkasta oo aan lahayn tiro sugan, waxaa la sheegay in ay socdaan duqaymo la sheegay in ay iska kaashanayaan Ciidamada Kumaandooska Danab iyo Maraykanka.

Dowlad-Goboleedka Jubbaland ayaa maalmihii lasoo dhaafay diyaarinaysay Ciidamo duullaan ku qaada Saldhigyada ‘AS’ ee Gobolka Jubada hoose gaar ahaan Duleedka Degmada Jamaame halkaas oo muddooyinkii dambe ay ka abaabulayaan weerarro ka dhan ah saldhigyada ciidankas.

La soco wixii kasoo kordha

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Soomaaliya & Turkiga oo ku heshiiyay in ay iska kaashadaan Isgaarsiinta Elektarooniga ah

Read Next

Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta waqti dheeraad ah geliyay ka doodista Dastuurka Dalka