Dagaal Beeleed ka socda Cadale

Wararka naga soo gaaraya Degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in halkaasi uu saaka ka qarxay dagaal u dhaxeeya labo malleeshiyo beeleed.

Dagaalkan ayaa ka socda tuulada Bur-dheer oo hoostagta Degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha dhexe.

Ilaa hadda waxaa la sheegayaa in uu jiro khasaare  soo kala gaaray dhinacyada dagaallamaya,waxaana rasaasta laga maqlayaa tuulooyinka ku dhow degaanka lagu dagaallamayo.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Hirshabeelle iyo kuwa Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa dhowr jeer oo hore isku dayay in la joojiyo dagaalka labada beelood oo labadii sano ee la soo dhaafay ka dhacayay degaannadaas.

Web master

Read Previous

Xildhibaanad Kenyaan ah oo loo xiray Aflagaaddo ay u geystay sarkaal Somali Kenyaan ah,Sawirro

Read Next

Joint AU-UN team examines the implementation of the Somalia Transition Plan