Guddoomiyaha xilka laga qaaday ee Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa waxaa uu maanta ku dhawaaqay in uusan xilka wareejineyn ilaa ay dowladda Federaalka ah soo farageliso khilaafka u dhaxeeya isaga iyo Madaxweynaha Hirshabeelle.
Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa xilka ka qaaday Dabageed,waxaana uu magacaabay Guddoomiye cusub.
Yuusuf Dabageed oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Beledweyne ayaa sheegay in magacaabistiisii Gobolka Hiiraan ay ku timid heshiis dowladda dhexe iyo Hirshabeelle dhexmaray haddana uu xilka wareejinayo haddii ay dowladda Federaalka ah ku taliso.
Ciidamo ka amar qaata Yuusuf Dabageed ayaa saaka la wareegay qeybo ka mid ah baraha Canshuuraha ee Gobolka Hiiraan iyada oo guddoomiyaha cusub ee Gobolkana uu ku suganyahay Beledweyne.
Yuusuf ayaa Madaxweynaha Hirshabeelle ku eedeeyay in uu kala qeybiyay islamarkaana jufo jufo u kala qeybiyay beesha ay labadana ka soo jeedaan.
