Dab xooggan oo ka kacay gobolka  Izmir ee dalka Turkiga

Dowladda Turkiga ayaa sheegtay  in dab xoogleh uu ka kacay gobolka Izmir ee dalkaas kass oo sababay barakaca dad dagenaa tuulooyin ka agdhow goobta uu dabku ka kacay

Afar tuulo iyo labo xaafadood oo u dabku ku soo fiday ayaa laga  daadgureeyay  dadkii ku noolaa sida ay sheegeen maamulka  gobolka Izmir,

Dabkan ayaa galay maalintii labaad oo uu si toos ah u hurayo, waxaana socda dadaallo ballaaran oo lagu daminayo.

Wasiirka Beeraha iyo Dhirta ee Turkiga, Ibrahim Yumakli, ayaa sheegay in dabka uu si xooggan ugu faafay deegaanno hor leh  kaddib markii ay kiciyeen dabeylo xoog leh oo gaari kara 50km saacadiiba.

In ka badan 1,000 qof, diyaarado dab-demis ah iyo gaadiid kale ayaa ku howlan  daminta dabka. Iyadoo hakad la galiyay howlaha duulimaadyada ee garoonka caalamiga ah ee Izmir Adnan.

Maalmihii la soo dhaafay Koofurta Yurub waxaa ka kacayay dab xooggan, waxaana laga barakacayay boqolaal ruux.

Mustaqbal

MM News

Read Previous

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in dhaqaalaha Soomaaliya sare u kacay sadankii 2024.

Read Next

Masar oo sheegtay in ay burbureen wada hadallada Webiga Nile