Crystal Palace oo £ 12m ku dooneysa Victor Moses.

Kooxda Crystal Palace ayaa lagu soo waramayaa inay kalsooni ku qabto dhameystirka heshiis 12 milyan oo ginni ah oo ay ku dooneyso Victor Moses.

28 jirkaan ayaa ka soo baxay akadeemiga Palace, waxaana uu u saftay 69 kulan tartamada oo dhan ka hor inta uusan ku biirin Wigan Athletic 2012.

Moses ayaa door muhiim ah ka ciyaaray guulihii Chelsea ay ka gaartay horyaalka intii uu kooxda joogay Tababarihii reer Taliyaani ee Conte.

Wargeyska Mirir ayaa ku waramaya in kooxda Palace ay Chelsea miiska u saartay aduun gaaraya 12 milyan oo ay ku dooneyso adeega Moses.

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Read Previous

Juventus oo isha ku heysa Xidig United-ka u ciyaara.

Read Next

Shaqaale ka tirsanaa Wasaaradda Diinta oo lagu dilay Muqdisho