Wararka ka imanaya Gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in Ciidamada Dowlad degaanka ee Soomaalida ay afduub ka geysteen Gobolka Hiiraan ee Soomaaliya.
Ciidamadan oo aan la garaneyn sababta ay xadka uga soo tallaabeen ayaa waxaa ay qafaasheen 10 qof oo beeraley ah iyo shan ka mid ah Cagaf ama Makiinadaha Beeraha lagu fasho.
Afduubkan ayaa shalay gelinkii dambe ka dhacay degaanka Xuday Wagle oo 35KM kaliya u jira Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Maamulka Hirshabeelle iyo Ismaamulka SOomaaliduba wali kama hadlin dhacdadan ku cusub Gobolka Hiiraan,taas oo ay dadka aad u hadal hayaan.
