Ciidanka Jubbaland oo howl galo ka wada Jubbada Hoose.

Wararka ka imaanaya Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya ciidanka amaanka ay saacadihii la soo dhaafay ay howlgallo ka sameeyeen dhul Miyiga ah oo ku yaalla deegaanka Diif ee Gobolka Jubbada Hoose,halkaas oo la sheegay in ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Ciidamo iskugu jira Kuwa Xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland oo ka baxay  degmada Dhooblay ayaa gaaray deegaanka Diif oo ay sheegeen in ay ka wadaan howl galo ay amaanka deegaanada Jubbaland ku xaqiijinayo.

Taliyaha Ciidanka Jubbaland ee degmada Dhoobleey Heybe Axmed Cabdullaahi iyo saraakiil kale ayaa howlgalka hoggaaminayay ,waxana Ciidamada intii ay howlgalka ku jireen aysan jirin wax dagaal ah oo dhexmaray iyaga iyo Al-Shabaab sida dadka deegaanka ay xaqiijinayaan.

Taliyaha Ciidamada Jubbaland ee deegaanka Diif Liibaan Mahad Salaad ayaa sheegay in ay ka go’aan tahay in ay Al-Shabaab ka saaraan deegaanada ay kaga sugan Gobolka Jubbada Hoose xiliga lagu jiro Bisha Barakaysan ee Ramadaan.

Sidoo kale Taliyaha Ciidanka Jubbaland ee Dhooblay ayaa sheegay in Al shabaab ay kordhiyaan weerara Bisha Ramadaan ayna ka hortagayaan weerarkasta oo ugu yimaada haatana ay bilaabeen Howl galo amaanka lagu sugayo.

Saraakiisha Jubbaland ayaa ku celceliyay in ay xaqiijinayaan amaanka deegaanada ay maamulaan waxaana wali Al shabaab weeraro kagaystaan Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo oo hoostaga Maamulka Jubbaland.

 

MM Staff

Read Previous

Nin lagu tuhmayo Gabar lagu dilay Gaalkacyo oo la qabtay.

Read Next

HORDHACA: Arsenal vs Chelsea+Safafka Macquulka ah.