Ciidanka Danab oo howlgallo ka dhan ah ‘AS’ ka sameeyay Gobolka Jubada Hoose

Ciidamo katirsan Kumaandooska Danab gaar ahaan qaybta 43aad ayaa howlgallo ka dhan ah ‘AS’ ka sameeyay deegaanno hoostaga Degmada Jamaame ee Gobolka Jubada Hoose Dowlad-Goboleedka Jubbaland sida ay ku warrameen saraakiisha hoggaamineysay howlgalkaas.

May be an image of grass and road

Ciidanka oo helay xogo la xiriira dhaqdhaqaaq ay wadeen ‘AS’ ayaa la sheegay in ay kahortageen isla markaana khasaara xooggan ay gaarsiiyeen xubnihii ‘AS’ katirsanaa ee beegsanayeen sida warka loo dhigay.

May be an image of Saqsaywaman

Meelaha sida gaar ah ee ciidamada uga howlgaleen waxaa kamid ah Muuse Xaaji, Araare, Koban, Bangeeni, Maleyleey, Baladu-raxma iyo Degeyga Maam-bile oo dhammaan hoostaga Degmada Jamaame ee Gobolka Jubada Hoose.

May be an image of grass and tree

Deegaannadaan dhaca Koofurta Gobolka Jubada Hoose waxaa ku sugan ‘AS’ iyada oo maalmihii lasoo dhaafay ay socdeen dhaqdhaqaaq ka dhan ah oo ay si wadajir ah u wadeen ciidamada Federaalka gaar ahaan kumaandooska Danab, Daraawiishta Jubbaland & ciidamo deegaan ah.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Tahriibayaal ku dhintay Liibiya & Soomaali badan oo ka gudubtay Xeebaha Dalkaas

Read Next

RW Xamsa “Waddamo badan oo wax dhoofin jiray waxa ay u joojiyeen cabsi laga qabo inay cunno la’aan dhacdo”