Ciidamo ka tirsan Dowladda oo isaga baxay saldhigyo ay ku lahaayeen Sh.Dhexe

Wararka ka imanaya Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya ay xalay ilaa saaka isaga baxeen saldhigyo dhowr ah oo ay ku lahaayeen Gobolka Shabeellaha dhexe.

Goobjoogayaal ku sugan degmada Balcad ee Gobolka Shabeella dhexe ayaa u xaqiijiyay Idaacadda Mustaqbal in Ciidamo badan oo wata gaadiidka dagaalka ay saaka soo gaareen bartamaha Magaalada Balcad.

Ciidamada ayaa la sheegay in ay ka soo baxeen degaannada Qalimow iyo Garsaale, kuwaas oo gaaray Degmada Balcad.

Sidoo kale Ciidamo kale ayaa isaga baxay Degmada Mahaddaay iyo duleedka Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hirshabeelle.

Ciidamada isaga baxaya saldhigyada ay ku leeyihiin Gobollada dalka ayaa ka cabanaya mushaar la’aan dhowrkii bilood ee la soo dhaafay heysatay.

Ra’isalwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa habeen hore sheegay in Ciidamada ka cabanaya mushaar la’aanta ee isaga baxaya saldhigyada aysan u diiwaangashaneyn dowladda Soomaaliya,waxaana uu amar ku bixiyay in la diiwaangeliyo.

Web master

Read Previous

Pentagon Denies Causing Civilian Casualties in Air Strikes Over Somalia

Read Next

Maxkamadda Ciidanka oo xukun ku ridday rag loo heysto weerarradii Tiyaatarka iyo Hotel Saxafi