Ciidamada Somaliland & Puntland oo ku diriray Gobolka Sanaag.

Sawirkan waxaa la qaaday intii u socday dagaalkii Tuka-raq ee u dhexeeyey Somaliland iyo Puntland, waxaan algu baahiyey baraha bulshada

Degmada Laasqoray Subixii hore waxa kadhacay  iska hor imaad u dhexeeya ciidamo ka kala tirsan Somaliland iyo Puntland oo kuwada sugan gobolka Sanaag

Sida ay Mustaqbal u sheegeen ilo-wareedyo kusugan Sanaag waxa jira khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh inkasta oo aan la heyn tirada rasmiga ah, waxaana labada dhinac kala gaaray gurmad ugu yimid saldhigyadooda ciidan.

Dadka deegaanka waxa ay sheegeen in dagaalka uu si iskii ah u istaagay, isla markaana aysan jirin cid kala dhex gashay ciidanka labada maamul illaa hadda, labada ciidan ayaa is horfadhiya sida ay saraakiil katirsan labada dhan u sheegeen Mustaqbal

Goobaha Caafimaadka waxaa la geeyay Askar dhaawac uu kasoo gaaray dagaalka, waxaana looga daweynaya waxyeelada Soo gaartay sida dadka deegaanka ay ku warrameen.

Ciidamo ka kala tirsan Maamulada Puntland iyo Somaliland ayaa dhowr jeer ku dagaalamay  Gobolada Sool iyo Sanaag oo Somaliland iyo Puntland ay wada joogaan degmooyin katirsan goboladaas hayeeshee labada caasimadood ee Sool iyo Sanaag oo kala ah Ceerigaabo iyo Laascaano waxaa gacanta ku haya oo si buuxda u maamula Somaliland.

Mustaqbal- Sool & Sanaag

MM Editor

Read Previous

Maxkamadda CQS oo Xukun ku ridday Rag ku eedeysan dhac ay ka geystay Muqdisho.

Read Next

Remarks at a UN Security Council Briefing on the Situation in Somalia