Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada
Xilli ay jiraan dhaliilo loo jeedinayo qaar kamid ah Askarta dowladda ee ku sugan furiimaha hore, kuwaasi oo la xiriira dhowrista xogta dagaalka ayaa waxaa dhacdooyinkaasi ka hadlay Taliska Militeriga Soomaaliya.
Taliyaha Guutada 27-aad ee Abuu-dajaana, Gadhaanle Saalim Cumar Axmed oo goob fagaare ah kula hadlay cutubyo ka tirsan Xoogga dalka ayaa sheegay in ay mamnuuc tahay Baraha Bulshada oo lagu faafiyo xogta ciidamada iyo dagaalka.
Taliyaha ayaa caddeeyay in ay jiraan Askar faafiya xogta ciidamada sida muuqaallada furimaha iyo sawirrada hubka, ayna tillaabo ka qaadi doonaan.
”Cid laga yeelayo ma jirto in Baraha Bulshada soo dhigto Ciidanka cidii la gu arko waxaa geynayaa maxkamada, wuxuuna bixinaya xogta ciidanka, isaga oo la shaqeynaya Khawaarijta” ayuu yiri Taliyaha Guutada 27-aad ee Abuu-dajaana, Gadhaanle Saalim Cumar Axmed.
Ugu dambeyn, taliyaha ayaa xusay in ay jiraan dhacdooyin hore u dhacay oo ay baarayaan, xilliga ku habboona Maxkamadda la horgeyn doono.
Hadalka Taliyaha ayaa ku soo aadaya xilli maalmihii la soo dhaafay ay Askarta dowladda ku soo badanayeen Isticmaalka Baraha Bulshada, taasi oo khubarada Amniga ay ka digayaan saameynta ka dhalan karta.
Mustaqbal
