Kenya oo kordhinaysa Ciidamada ka jooga deegaannada xiga Soomaaliya
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal ciidamo deegaanka ah iyo AS ku dhexmaray tuulooyin ku dhaw magaalada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellada Dhexe.
Dagaalka ayaa yimid, ka dib markii Ciidamo ka tagey deegaanka Mabaax, oo hoos taga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan ay weerar ku qaadeen goob ay ku sugnaayeen AS oo u dhaw aaga degmada Aadan Yabaal.
Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalka, inkasta oo aan la xaqiijin karin tirada rasmiga ah.
Saraakiisha Ciidanka ayaa sheegay in sii wadi doonaan howlgalka ka dhanka ah AS ee ay ka wadaan aaga degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellada Dhexe.
Ciidamada Dowladda iyo dadka deegaanka ayaa howlgallo iyo dhaqdhaaqyo ka wada Inta u dhaxeysa Deegaanka Mabaax iyo degmada Aadan Yabaab ee gobolka Shabeellada Dhexe.
Mustaqbal
