Wararka ka imaanaya Deegaanka Jilib Marka waxa ay sheegayaan in saakay Xili hore Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda ay ku dhaqaaqeen Xaafado hoos taga Deegaanka.
Xalay waxaa Xaafadahaan laga soo sheegay in ay ku dhaceen Hoobiyaal Ciidamada AMISOM ay ku ridayeen, inkastoo aan lasoo sheegin Khasaaraha Dadka Deegaanka ka gaartay.
Gudoomiyaha Magaalada Marka Xasan Cumar Macalin oo la hadlay Mustaqbal ayaa sheegay in Jilib Marka ay gacanta ku hayaan Ciidamada Dowladda kadib dhowr jiho oo ay ka wareereen Maalmihii Khamiista iyo Jimcaha.
Muhiimadda Deegaankaan uu maamulkiisa u leeyahay waxa uu ku tilmaamay in ay tahay, dadka ku safra wadadaas oo saacado baaris ah ay ku sameynayeen Al-Shabaab sida uu hadalka u dhigay.
Isku xirka Magaalooyinka Muqdisho iyo Marka iyada oo la isticmaalaya Wadada Xeebta ah, sidaasine uu ku dhashay go’aanka loogu duulay Deegaanka Jilib Marka.
Ciidamada Dowladda ayaa maalmihii dambe waday dhaq-dhaqaaqyo Ciidan oo ay ka sameynayaan Deegaanno Xeebeedka isku xira Magaalooyinka Marka iyo Muqdisho.
Saraakiisha qaar ayaa wadadaan u arka mid muhiim u ah Ciidamada ku sugan Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeelaha Hoose iyo Magaalada Muqdisho, maadaama ay ku dheer tahay wadada Afgooye iyo Marka xiriirisa.
