Ciidamada Dowladda Federaalka oo howlgallo miino baaris ah ka sameeyay Shabeelaha Dhexe

Sawir hore

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa howlgallo miino baaris ah ka sameeyay inta u dhaxaysa Magaalada Jowhar iyo Garoonka Diyaaradaha Magaaladaas sida ay inoo xaqiijiyeen ilo kala duwan oo ku sugan Xarunta Dowlad-Goboleedka HirShabeelle.

Ciidanka oo kaashanaya askarta midowga Afrika ayaa howlgal baaris ah ka sameeyay waddada isku xirta Magaalada iyo garoonka Diyaaradaha Jowhar oo dhowr jeer ay ka dhaceen qaraxyo sababay dhimasho, dhaawac iyo burbur hanti.

Saraakiisha Hay’adaha Ammaanka ayaa sheegay in ujeedkoodu uu yahay sidii looga hortagi lahaa halista qaraxyada gaar ahaan miinooyinka jidka lagu aaso oo galaafatay nolosha dad ku safrayay waddadaas isku xirta Magaalada Jowhar iyo Garoonka Diyaaradaha.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Sirdoonka Israa’iil oo Trump u sheegay in ay Iiraan waddo qorshe cusub oo ay ku dilayso

Read Next

Ciidamada DFS oo howlgallo ka dhan ah ‘AS’ ka wada HirShabeelle & Galmudug