Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada
Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Gobolka Shabeelaha Dhexe Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle ka billaaabay howlgallo ka dhan ah ‘AS’ iyaga oo kaashanaya dadka deegaanka ee loo garanayo Macawiisleyda.
Saraakiil katirsan ciidanka Xoogga Dalka oo hoggaaminayo howlgalka ayaa sheegay in magaca howlgalkaan in uu yahay ‘Duufaanta qarsoon’ looguna talagalay in si qorsheysan ciidamadu u fuliyaan una qabsadaan deegaannada gacantooda ka maqan.
Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Janaraal Xasan Maxamed Xuseen Muungaab iyo Saraakiil kale ayaa ku sugan Shabeelaha Dhexe.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgallada ka dhanka ka ah ‘AS’ oo muddooyinkii dambe abaabulkiisa ka socday Muqdisho, Shabeelaha Dhexe, Hiiraan, Galgaduud, Shabeelaha Hoose iyo Gobollo kale uu billowday.
La soco wixii kasoo kordha
Mustaqbal
