Ciidamada ammaanka oo Baladxaawo kawada howlgallo lagu raadinayo Dad dilal ka gaystay Degmadaas

Degmada Baladxaawo ee Gobolka Gedo DG Jubbaland waxaa ka socda howlgallo ka dhan ah kooxo hubaysan oo dilal ka gaystay Degmadaas, wararka Mustaqbal ay heleyso ayaa sheegaya in 5 ruux lagu dilay Degmadaas xalay iyo aroornimadii hore ee saakay.

Dadka la dilay waxaa kamid ah labo wiil oo isla dhalatay sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka, hal goob ayay kuwada sugnaayeen, waxaa u tagay koox hubaysan oo ugu dambayn si toos ah u toogatay wiilashaas walaalaha ah & labo kale oo la joogtay.

Saakay qof hubaysan ayaa dil kale ka gaystay isla degmada Baladxaawo, Ciidamada Booliiska ayaa billaabay raadinta kooxahaan dilalka gaysanaya oo la sheegay in arrintoodu salka ku hayso aano dilal horay uga dhacay Degmadaas.

Dilalka la xiriira aanooyinka ayaa muddooyinkii dambe ka dhacay Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya, kooxo hubaysan oo hab beel u abaabulan ayaa beegsaday Dad isugu jira Rag, Dumar iyo Carruur, weliba waxa ay nafta dhaafiyeen dad isku ehel ah.

La soco wixii kasoo kordha

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Madaxweyne Xasan Shiikh oo kulamo gaar gaar ah ka wada magaalada Dooxa ee dalka Qadar

Read Next

Booliiska Jigjiga oo qabtay Nin lagu eedeeyay in uu muuqaallo anshax xumo ah ka duubay Gabdho