Booliiska Jigjiga oo qabtay Nin lagu eedeeyay in uu muuqaallo anshax xumo ah ka duubay Gabdho

War kasoo baxay Booliiska Dowlad-Deegaanka Soomaalida ayaa lagu sheegay in hay’adaha ammaanka ay gacanta ku dhigeen Nin magaciisa lagu soo koobay Ayuub oo muuqaallo anshax xumo ah ka duubay Gabdho.

Booliiska ayaa sheegay in ninkaan uu ku dhashay magaalada Muqdisho kaddibna tagay qaaradda Yurub gaar ahaan Talyaaniga & Austria, dumar dacwad ka gudbiyay oo Booliiska la wadaagay xogtiisa ayaa lagu dhaqaaqay howlgalkaan lagu soo qabtay.

“Booliiska oo ka jawaabaya cabashada Dumarka ayaa kaddib soo qabtay Ninkaan oo teleefannadiisa laga helay muuqaallo uu ka duubay hablo Soomaaliyeed, baaritaan ayaa ku socda, waxa uu muuqaalladaan ku duubay Muqdisho, Hargaysa, Garoowe, Wajale, Addis Ababa & Jigjiga,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Booliiska Jigjiga.

Xogta uu sida hordhaca ah usoo bandhigay Booliiska Jigjiga ayaa lagu sheegay in Ninkaan uu ka tubo-raacayay Hablaha Baraha Bulshada, is faham ku dhisan Shukaansi kaddib waxa uu ka wici jiray muuqaal (Video Call) kaddibna uu ka duubi jiray muuqaallada Anshax xumada ah sida hadalka loo dhigay.

Booliiska Magaalada Jigjiga ayaa intaas ku daray in uu haween badan ku cabsi gelin jiray in muuqaalka uu ka duubay uu soo gelin doonno Baraha Bulshada si ceebteeda u faafto sida warka lagu yiri, qaarkoodna uga faa’iidaysan jiray duruufaha nololeed sida warka loo dhigay.

Tani ma ahan arrin ugub ah, horay waxaa loo qabtay dad ku eedeysan isla kiisaskaan oo qaarkood dib looga soo celiyay dalka dibaddiisa oo ay u baxsadeen, dad badan ayaa aaminsan in loo baahan yahay baaris dheeraad ah oo lagu sameeyo Raggaan si loo ogaado cidda ka dambeysa falalkaan xun.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Ciidamada ammaanka oo Baladxaawo kawada howlgallo lagu raadinayo Dad dilal ka gaystay Degmadaas

Read Next

Wasiir Aadan Ducaale “Trump waa nin iska dhib badan oo aan hadalladiisa ka fiirsan”