Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in gelinkii dambe ee maanta lagu weeraray Kolonyo Gaadiid ah oo ay wateen Ciidamada AMISOM.
Mid kamid ah Gaadiidka Ciidamada AMISOM ayaa qarax ku qabsaday Deegaanka Ilbaq oo u dhaxeeya Jowhar iyo Balcad, waxaana la maqlay qaraxa kadib rasaas ay ridayeen Ciidamada Miowga Afrika.
Goobjoogayaal ayaa Mustaqbal u sheegay in iska hor imaad kooban uu dhexmaray Ciidanka Burundi ee Gaariga laga qarxiyay watay iyo koox hubeysan oo weerartay qaraxa kadib.
Ciidamada ayaa ka tagay Degmada Balcad, waxa ay kusii jeedeen dhanka Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hir-Shabeelle.
Lama soo sheegin inta uu gaarsiisan yahay Khasaaraha ka dhashay weerarkaasi, maadaama xilliyada ay weerarada iyo qaraxyada ay dhacaan aan u sahlaneen dadka in ay ka agdhawaadaan goobahaas.
Deegaanka Ilbaq ayaa dhowr jeer oo hore waxaa ka dhacay qaraxyo iyo weeraro lagu qaaday mas’uuliyiin katirsan Maamulka Hir-Shabeelle, Ciidamada Dowladda Federaalka iyo AMISOM, waxaana inta badan sheegta Al-Shabaab.
Sidoo kale Deegaankaan waxaa Talaadadii Todobaadkaan ka dhacay Qarax Miino oo qabsaday Gaari kuwa dhismaha ah oo dul maray Miino lagu aasay Wadada, waxaana ku dhintay labo qof oo gaariga saarneed.
