Baarlamaanka Waqooyi Bari oo ansixiyay qaraar ka dhan ah Maamulka Waqooyi Galbeed
Kooxda Chelsea ayaa si rasmi ah u shaacisay in xidigooda Gary Cahil uu mudo kadib isaga tagay kooxda Chelsea oo uu waayo fiican kusoo qaatay.
Daafaca 33 jirka ee reer England ayaa ahaa dookha 4-aad ee tababare Maurizio Sarri ee xilli ciyaareedkii dhamaaday isaga oo aan si joogto ah ugu ciyaarin kooxda Chelsea.
In ka badan dhawr jeer ayuu xiddiga reer England sheegay in uuna ku faraxsanayn qaabka uu Sarri ula dhaqmayo kadib markii uuna ciyaarsiin kulamada xitaa kuwa Europa League.
Kooxda Newcastle ayaa xiiso u qabta saxiixa daafaca reer England si la mid ah kooxda ku cusub horyaalka premier League ee Aston Villa kuwaas oo doonaya in ay helaan daafaca Khabiirka ah.
Gary Cahill ayaa Chelsea ku soo biiray xagaagii 2012 isaga oo kula guulaystay koobab badan oo ay ka mid yihiin 2 Premier League, 2 Europa League, champions League, FA Cup iyo waliba League Cup.
