Baarlamaanka Waqooyi Bari oo ansixiyay qaraar ka dhan ah Maamulka Waqooyi Galbeed
Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland C/Xakiin Xaaji Cumar Cameey ayaa rajo xumo ka muujiyay dadaalka Qaramada Midoobey iyo IGAD ay ku doonayaan in lagu joojiyo colaadda u dhaxeysa Maamullada Puntland iyo Somaliland.
C/Xakiin Cumar Camey waxaa uu dadaallada socda ku tilmaamay qoor qabad ay wadaan Qaramada Midoobey iyo Urur Goboleedka IGAD,waxaana uu niyad jab ka muujiyay in dadaalladaas ay guul ku dhamaadaan.
Waxaa uu sheegay in Somaliland ay diiday in ay ka baxdo dhulka Puntland ee ay xoogga ku qabsatay sida uu hadalka u dhigay.
Waxaa uu sheegay in Qaramada Midoobey iyo IGAD ay Somaliland ku qancin waayeen in ay banneyso dhulka Puntland ee ay dagaalka ku qabsatay.
Somaliland ayaa sheegeysa in dhulka Sohdinteeda ah ay wali uga dhimantahay 70km hayeeshee ay wadahadal diyaar u tahay,taas oo ay diiddan tahay Puntland.
