Booliiska Nigeria oo sheegay in ay badbaadiyeen Dad la socday Doon rogmatay
Waxaa bannaanka usoo baxay caddeymo muujinaya saldhigyo uu Imaaraatka Carabta si qarsoodi ah uga samaystay Garoomada Diyaaradaha Berbera oo Waqooyi Galbeed ah iyo Boosaaso oo Dowlad Goboleedka Puntand ah iyada oo aanay jirin warbixinno la xiriira saldhigyadaas oo Xukuumadda Abu Dhabi la wadaagtay Dhiggeeda Muqdisho.
Sida uu baahiyay Wargeyska The New York Times ee Maraykanka, Muuqaallada waxaa ka dhex muuqda Saldhigyo isugu jira kuwa ay ku degaan Diyaaradaha Militariga ah ee Xamuulka Culus qaada, kuwa ay ka degaan Diyaaradaha weerarrada fuliyo iyo difaacyo dhulka hoose laga dhisay si ay ugu qariyaan Diyaaradahaas & saanadda Militari.
Warbixinta The New York Times ayaa sii xoojisay eedaha uu dhawaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuid uu u jeediyay Dalka Isutagga Imaaraatka Carabta oo ah in uu faragelin ku hayo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Tani waxaa loo arkaa fursad ay Dowladda Soomaaliya ku diyaarin karto dacwad ka dhan ah Imaaraatka iyada oo kaashanaysa Caddeymaha gaarka ah ay heyso ee ilaa hadda aanay sida rasmiga ah usoo bandhigin iyo kuwa madaxabannaan ee Warbaahinta & dhinacyada kale ay soo bandhigayaan.
Mustaqbal
