DFS oo taageero dheeraad ah ku heleysa qorshaha adkaynta Amniga Dalka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa guul muhiim ah ka heshay Shir looga hadlay Amniga Dalka oo shalay ka dhacay Magaalada Brussels ee Caasimadda Biljamka waxaana Dalalkii shirkaas xaadiray ay u sameeyeen ballanqaad xooggan sida hadalka loo dhigay.

Dhinacyada ka qaybgalay shirkaan ayaa kala ahaa Soomaaliya, Midowga Afirka, Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Turkiga, Ingiriiska, Maraykanka, Sacuudiga, Kuwait, Qatar iyo Dalal kale kuwaas oo ballanqaaday garab istaagga Ciidanka Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afirka ee AUSSOM.

Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ahna Madaxa Howlgalka AUSSOM, Danjire El Hadji Ibrahima Diene oo isla todobaadkaan ka qaybgalay shirkii Golaha Ammaanka ayaa soo dhaweeyay dedaallada socda ee howlgalkaan iyo Soomaaliya lagu garab istaagayo.

Howlgalka AUSSOM ayaa lagu wadaa in lasoo gabagabeeyo sannadka soo socda 2027 iyada oo kahor waqtigaas la qaadayo tallaabooyin lagu dhimayo isla markaana saldhigyada ay hadda joogaan ciidankaas ugu wareejin lahaayeen Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya si ay u qaataan mas’uuliyadda Amniga goobahaan.

Mustaqbal

MM Editor

Read Previous

Soomaaliya & 15 Dal oo kale oo soo dhaweeyay in cunaqabayn dhaqaale La saaro Yuhuudda dhul boobka ka wada Falastiin