Trump oo magdhow lacageed ka doonaya Wargeyska The New York Times

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa $15 Bilyan oo Doollar oo magdhow ah ka doonaya in looga xukmiyo Wargeyska ay is hayaan ee The New York Times iyo Shirkadda Buugaagga daabacda ee Penguin Random House oo uu ku eedeeyay in ay ku sameeyeen Sumcad dil Shaqsi iyo mid Ganacsigiisa ah.

Donald Trump ayaa dacwad ka dhan ah Wargeyska iyo Shirkadda u gudbiyay Maxkamad Federaal oo fadhigeedu tahay Gobolka Florida waxaana ugu dambeyn uu garsooruhu aqbalay in galka dacwaddaan uu sii furnaado sida uu sheegay iyada oo fursad weyn u noqon doonto Madaxweynaha Maraykanka.

Trump ayaa dagaal siyaasadeed ku haya Warbaahinta kasoo horjeedda sida The New York Times isaga oo gaaray heer uu ka mamnuuco Aqalka Cad, shirarka uu bannaanka ugu qaadayo Suxufiyiinta Madaxabannaan iyo tallaabooyin kale oo ka dhan ah Warbaahintaas.

Dhanka kale, Wargeyska The New York Times ayaa iska difaacay eedeymaha loo jeediyay ee dhinaca Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump isaga oo dhankiisa ku dacwooday in laga hor istaagay xuquuqda kasoo waranka Aqalka Cad si Dadka ku xiran ay u helaan macluumaadka Aqalkaas iyo Madaxweyne Trump si lamid ah Warbaahinta kale.

Mustaqbal

MM Editor

Read Previous

DFS oo taageero dheeraad ah ku heleysa qorshaha adkaynta Amniga Dalka