Wararka naga soo gaaraya Isgoyska Ex-Koontarool Afgooye ayaa sheegaya in halkaas lagu dilay Cabdi Biifane oo kamid ahaa ganacsatada gaadiid.
Ganacsadaha la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Cabdi Cismaan Biifane,kaas oo dadka degaanka ay u sheegeen Mustaqbal in uu ka mid ahaa Ganacsatada Gaadiidka soo degsada.
Rasaastii kooxda dilka geysatay ay ku fureen Biifane waxaa ku dhaawacantay haweeney ka agdhaweyd goobta uu dilka ka dhacay.
Ciidamada dowladda ayaa gaaray goobta lagu dilau Cabdi Cismaan Biifane,waxaana ay halkaas ka qaadeen meydkiisa.
Ciidamada ayaa mudda kooban xoray waddada,waxaana ay halkaas ka sameeyeen baaritaan aan ilaa hadda la sheegin cidda lagu soo qabtay.
Dilalka qorsheyn ayaa wali ka sii socda Muqdisho iyada oo dowladda iyo Hay’adaha amaanka sheegayaan in ay ku guuleysteen amaanka Magaalada Muqdisho.
Mustaqbal Radio
