C.ronaldo oo taariikh cajiib ah dhigay, Sidee?

Kabtan xulka Portugal weerarkana uga ciyaara kooxda Juventus ayaa taariikh cajiib ah dhigay kadib markii uu xalay kooxdiisa cusub kula guuleystay horyaalka Taliyaaniga ee Sera-Ada.

Ronaldi ayaa aduun dhan 100m kugu soo biiray kooxda Juventus wuxuuna kasoo hayaamay kooxda reer Spain ee Rea Madrid oo uu joogay sanadihii dambe durba kooxdiisa Juve ayuu kula guuleystay horyaalka Taliyaaniga wuxuuna sameeyay taariikh aan horay loo dhigin.

Ronaldo ayaa noqday xidigii ugu horeeyay ee taariikhda ku guuleysta sadaxda horyaalka ee Premier League-ga,Sera A-da iyo La Liga waayihiisa ciyaareed.

Kooxda Juventus ayaa xalay guul 2-1 ah ka gaartay kooxda Fiorentina iyadoona ku guuleysatay horyaalka Taliyaaniga markii 8-aad oo xiriir ah.

C.ronaldo iyo Horyaaladii uu ku guuleystay:

 Sporting Lisbon:

Portuguese Super Cup: 2002.

Manchester United:

Premier League: 2006–07, 2007–08, 2008–09.

Real Madrid:

La Liga: 2011–12, 2016–17.

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Read Previous

Sawirro: Weerarrada Sri Lanka iyo khasaaraha oo kordhay.

Read Next

Guddoomiyaha Bangiga dhexe oo xilka la wareegay