C/casiis Catoosh oo ka tagay Heegan, Yuu ku biiray.

Laacibka heerka caalami C/casiis Catoosh ayaa ka tagay kooxda Heegan kaddib hal xilli ciyaareed ee uu ku qaatay naadiga ciidanka Booliska.

Xiddiga ayaa qaab ciyaareed aad u wanaagsan ku qaatay naadigaan isagoo ahaa kabtanka koowaad.

Maamulka kooxda Heegan ayaa inoo xaqiijiyay in xiddiga la siiyay warqadiisa fasaxa ee (Noolo Osto).

Catoosh ayaa ku laabtay kooxdiisii hore Dekedda oo uu kula guulaystay horyaalka Soomaaliya.

Hal sano ayaa ka harsan qandaraaska uu kula jiro kooxda, ha yeeshee labada dhinac ayaa isku af gartay in la Kansalo Heshiiska.

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Read Previous

Degmada Waaberi oo marki afaraad oo xiriir ah usoo baxday semi finalka tartanka kubada cagat degmooyinka.

Read Next

Finalka Champions League sanadka 2021 oo lagu ciyaari doono New York.