Booliiska Soomaaliya oo xiray Suxufiyiin katirsan Teleefishinka SMS

Ciidamo Booliis ah ayaa xiray Labo Suxufi oo katirsan Teleefishinka SMS, Maamulka Tv-gaas ayaa sheegay in aanay garanayn sababta ka dambeysa in la beegsado Suxufiyiinta iyo goobta sida rasmiga ah loogu hayo xiligaan.

SMS TV ayaa baahiyay Muuqaal ay duubeen kaamirooyinka CCTV, waxaa ka muuqday Suxufiyiinta oo kasoo degay gaari la sheegay in ay saarnayd Xildhibaan Faa’isa Jeyte oo xiligaas kula soo hadashay Suuqa Siinaay ee Magaalada Muqdisho.

Xasan Cadde, Guddoomiyaha Teleefishinka SMS ayaa Dowladda Federaalka ka codsaday in Suxufiyiinta ka xiran ee kala ah Xuseen Ciise Samawade & Cismaan Carrab xorriyaddooda dib u helaan isla markaana jawaab ka bixiso sababta keentay xiritaankooda.

Golaha Warbaahinta Madaxabanaan ayaa canbaareeyay falkii ciidamada Booliiska kula kaceen Suxufiyiinta katirsan Talefishinka SMS ee ilaa haatan u xiran Ciidankii kawaday afaafka hore ee xaruntooda.

Ma jiro war kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan hay’adaha Ammaanka oo ciidamo katirsan xireen Suxufiyiintaan.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Golaha ammaanka oo fadhi degdeg ah ka leh macluusha ka jirta Gaza

Read Next

Ciidamo isku hor fadhiya Suuqa Siinaay ee Magaalada Muqdisho