Saacadihii la soo dhaafay ciidamada amniga ee dowlad goboleedka Puntland ayaa gacanta ku hayay Markab shidaal oo lagu qabtay Xeebaha magaalada Bareeda ee gobolka Raas-caseyr.
Markabka oo cilado soo wajaheen ayaa waxaa qabtay ciidanka badda ee Puntland, iyaga oo sheegay in ay ku sameeyeen baaritaano.
War-saxaafadeed ka soo baxay Taliska ciidanka booliiska Puntland ayaa lagu sheegay Markabka markii lagu sameeyay baaritaano la ogaaday inuusan wadin wax sharci-darro ah, iyadoo la fasaxay.
Sidoo kale, Taliska ayaa sheegay in ay jiraan dad doonayo in ay abuuraan burcad iyo warar been abuur ah, tillaabo adagna ay ka qaadi doonaan.
“Waxaa jira dad raba inay burcad abuur sameeyaan oo dadka badda u diraan, marka waa in aan si wadajir ah uga hortagnaa,” ayaa lagu war-saxaafadeedka Taliska.
Sidoo kale, Taliska ciidanka booliiska ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan howlgallada lagu xaqiijinayo Amniga Badda, ka hortagista hubka sharci darrada.
Mustaqbal
