Booliiska Minnesota oo dacwad ka gudbiyay Dhallinyaro Soomaali ah oo hubaysan

Booliiska Minnesota oo la kulmay qaar kamid ah Bulshada Soomaaliyeed ee Gobolkaas ku nool ayaa la wadaagay dacwad ka dhan ah Dhallinyarada Soomaali ah oo hubaysan isla markaana si sharci darro ah u kaxeeya Gawaarida.

Saraakiil katirsan Booliiska Gobolka Minnesota ayaa waalidiinta u sheegay in ay dhallinyaradaas hubaysan ay dhowr jeer is xabadeeyeen balse ma sheegin khasaara ka dhashay oo Hay’adaha ammaanka ay diiwaangeliyeen.

Waxaa kale oo ay dacwo ka yihiin Dhallinyaro Gawaarida u kaxaysa si mas’uuliyad darro ah oo sababi kara shilalka sidoo kalena saxmad abuura waa marka ay ku jaraan waddooyinka dadweynaha sida hadalka loo dhigay.

Digniinta Booliiska waxaa ka jawaabay qaar kamid ah Waalidiinta Soomaaliyeed oo sheegay in ay billaabayaan wacyigelinta Dhallinyaradaas oo intooda badan ku dhashay Dalka Maraykanka si ay ugu sharraxaan ciqaabta ka dhallan karta dambiyada ay galayaan.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Diyaarado Dagaal oo duqayn ka fuliyay Gobolka Jubada Dhexe

Read Next

Odoyaal dhaqameed & Maamulka Waqooyi bari oo ku howlan xal u helista xiisad beeleed ka taagan Gobolka Sool