Baydhabo oo maanta ka billaabanaysa qabashada Araajida Musharrixiinta u tartamaysa xilka Hoggaamiyaha Koofur Galbeed

Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay waxaa ka socda araaji qabashada musharrixiinta u tartamaysa xilka Hoggaamiyaha Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed oo la qorsheeyay in maanta oo ah 5ta June ilaa berri oo 6da June 2026 lagu qabto araajida.

Musharrixiinta xildoonka ah ee jooga Magaalada Baydhabo waxa ay wadaan dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo mid weliba uu doonayo in uu ku xoojiyo loolankiisa si uu ugu guulaysto Doorashada lagu wado in ay dhacdo 10ka June 2026.

Guddiga maamulaya Doorashada Maamulka Koofur Galbeed ayaa 7da Bishaan oo ah Axadda shaacinaya musharrixiinta qaadatay Shahaadada ee buuxiyay shuruudaha la hordhigay si ay ugu sii gudbaan xubnahaas hadal jeedinta iyo doorashada.

La soco wixii kasoo kordha

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Tahriibayaal ku dhintay Saxaha Niger

Read Next

Xeebta Liido oo xiran maalintii 4-aad