Barcelona oo guul fudud ka gaartay Espanyol, xili Messi uu wacdaro dhigay.

Kooxda Barcelona ayaa guul dhibyar ka gaartay dhigeeda Espanyol kulan xiiso badnaa oo ka dhacay garoonka kooxda Espanyol.

Kulanka ayaa qeybta hore lagu kala maray 3-0 oo ay ku hogaamineyso kooxda Barcelona.

Messi ayaa free kick kowaad dhaliyay daqiiqadii 17-aad markii uu dhanka midig si qurux badan kaga hubsaday goolka.

Ousmane Dembele ayaa goolka labaad u dhaliyay Barca kaddib kubbad uu diilinta ganaaxa kudaheeda uu ka shuuday ka hor inta uusan Luis Suarez goolka seddaxaad dhalin kasoo uu dhinaca kale shabaqa uu kaga hubsaday.

Free kick kale oo cajiib ah ayuu dhaliyay Messi meel aan sidaa oga fogeen halkii uu kii hore ka dhaliyay ayaa dhameystiray goolasha Barcelona ay guusha ku gaartay.

Ugu dambeyn sida ayey kooxda Barcelona guul muhiim u ah ku gaartay waxeyna sii dheresatay hogaanka horyaalka.

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Read Previous

Chelsea oo ugu dambeyn soo afjartay rikoorkii guuldaro la’aanta City.

Read Next

Nabad Sugidda oo sheegtay in 6 ka mid ah Al-shabab ku dileen Sh.Dhexe